Markab weyn oo ah nooca kunteenarada qaada ayaa maanta ku soo xirtay dekadda Garacad ee gobalka Mudug maamulka Puntland , markabkan ayaana siday shixnado kala duwan oo ganacsato Soomaaliyeed iyo hay’addo caalami ah u rarnaa.
Dekadda Garacad oo hurmaro kala duwan sameesay muddooyinkii dambe ayaa hadda u muuqata mid ay kusoo xiranayana maraakiib waa weyn, kuwaa oo dekaddaha Imaaraadka Carabta iyo meelo kale agabyo kala duwan kasoo qaadaya.
Shirkadda Wadaagsan oo gacanta ku haysa maamulka dekadda Garacad ayaa fursadii u dambaysay siisay maalgashadayaasha Soomaaliyeed, iyadoo u qabatay muddo saddex bilood ah in ay maalgashi kala duwan ku sameestaan dekadda..
Dekadda Garacad oo hab isku tashi bulsho ah lagu dhisay ayaa la filayaa in casriyeyn iyo ballaarin lagu sameeyo, kaddib sare kac ku yimid maalgelinta dekedan oo ay dalbanayaan shirkaddo caalami ah, iyada oo ay kusoo xirnayaan maraakiib kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com