Allbanaadir.com
NEWS

Muran ka dhashay da’da  lagu guursan karo gabdhaha u dhashay Turkiga

Muran xoogan ayaa ka dhashay da’da rasmiga ah ee lagu guursan karo gabdhaha u dhashay dalka Turkiga, kadib markii hay’ada Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dalka Turkiga ay sheegtay in gabdhaha lagu guursan karo 9-sano jir sida uu qabo sharciga islaamka.

Hadalkan kasoo yeeray  hay’ada Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhashay muran xoogan waxaana si weyn uga soo horjeestay ururo u dooda xaquuqda haweenka.

Hay’ada Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dalka Turkiga ayaa dhankooda iska fogeeyay eedeynta loo soo jeedinayo, waxa ayna Ha’adu sheegtay kaliya in ay sheegtay kaliya da’da sharciga ah ee gabdhaha lagu guursan karo balse aysan jideyn.

Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in haddii ay gabadhu gaarto 17 sano ay guursan karto balse uu guurkaasi dhacayo oo kali ah marka ay waalidiinta aqbalaan, waxaa sidoo kale maxkamadaha fasixi karaan in gabadha lagu guursado 16-sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Kismaayo oo qabtay Xashiish aad u badan iyo raggii waday (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Xubnihii loo magacaabay doorashada gudoonka Golaha shacabka oo Gudoomiye doortay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo arrin layaab leh ku aragtay Deegaan Al Shabaab xubno badan looga dilay

Cabdi Cade