Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal balaaran oo go’doonka looga qaadayo magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, magaalladan ayaana sanado badan waxaa go’doomiyay dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.
Xudur ayaana loo diiday in ay galaan gaadiidka ganacsiga iyo alaabaha ka qaada magaalooyinka kale ee dalka, waxaana magaaladaasi marka laga soo tago dhuumaaleysi raashinka iyo agabyada kale ee looga baahan yahay lagu geeyaa diyaarado.
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad, ayaa howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa magaalada Xudur iyo Qurac Joome, si ay magaalada uga qaadaan go’doominta ugana saaraan kooxda Al Shabaab ee agaasi ku sugnaa.
Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa furista wadada isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac Joome oo inta badan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Waddadan ciidamada howlgalka ka fuliyeen ayaa muhiim u ah isku xirka Xudur iyo Qurac Joome, waxaana haddii ciidanka dowladda ku guuleestaan furista waddadan Xudur ka qaadmeysa go’doomintii mudadda sanadaha ah saarneed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com