Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Hirshabelle oo ansixiyey todoba degmo (Sawirro)

Waxaa maanta ka qabsoomay Xarunta Golaha Wakiilada Dawladda Hirshabelle Kalfadhiga 16-aad kulankiisa 1aad oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Dr Abdihakim Lukman Haaji Mohamed oo ay wehliyeen Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isaaq Cabdulle iyo gudoomiye ku xigeenka 2aad mudane Mahad Xassan Cusmaan.

Ajadnaha kulanka ayaa ahaa

  1. Qayntina Nuqul Ka Hindise-sharcieedka Maareynta Degaanka iyo Akhrinta 1aad.
  2. Ansixinta Degmooyinka Cusub ee ay soo Gudbisay Xukuumadda Dawladda Hirshabelle ee kala ah :
  3. Al-kowthar
  4. Ceel Baraf
  5. Jiliyaale
  6. Halgan
  7. Jawiil
  8. Ceelcali
  9. Gerijir

Ugu Horey Gudoomiyaha ayaa faray in Laqeybiyo Nuqulka Hindise-sharcieedka Maareynta Degaanka ayadoo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Degaanka iyo Isbadal Cimilada Mudane Ibraahim Cabdikariim Gududow uu ka hor jeediyay Golaha hortiisa  ujeedka, mabaadiida Guud ee Xeerkan iyo Faaiidada uu uleeyahya Ilaalinta iyo Maareynta Degaanka

Intaa Gudoomiyaha Golaha ayaa faray in xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) oo Golaha ka hor akhriyo Codsiga Madaxweynaha Dawladda Hirshabelle kaa ku aadan in Golaha uu ka Gutto waajibaadkiisa Dastuuriga ee kaga aadan Degmooyinkaan.

Ugu Danbeyn Gudoomiyaha Golaha ayaa Cod galiyay Degmooyinka Cusub ee la horleenay Golaha.

Codeyntana waxa u dhacday sidan.

Waxaa ogol ugu codeeyay 53 mudane, waxaa diiday hal Mudane, aydoo uu ka aamusay hal mudane.

Gudoomiyaha ayaana ku dhawaaqay in sidaa ay ansax ku yihiin degmooyinka kala ah

  1. Degmada Al-kowthar
  2. Degmada Ceel Baraf
  3. Degmada Jiliyaale
  4. Degmada Halgan
  5. Degmada Jawiil
  6. Degmada Ceelcali
  7. Degmada Gerijir

Gudoomiyaha Golaha ayaa faray Xukuumadda inay Gaarsiiyo adeegyada kala duwan ee u baahanyihiin shacabka ku nool Degmooyinkaaan madaama ay noqdeen Degmo buuxdo.

Related posts

James Swan: “Waxaa xaqiiqo ah in khaladaad badan lagu arkay doorashadda”

Caydiid Ali

K/Galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay lahaayeen Ciidanada Nabad Sugida Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---