Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo diiday inuu qaabilo Xoghayaha A/Dibada UK

Sida laga soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Channel 13, RW Netanyahu ayaa diidday inuu la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda UK, David Lammy intii lagu jiray booqashadii Lammy ee Israa’iil uu ku tagay Jimcihii ina dhaafay.

Sababta uu mowqifkan u qaatay Netanyahu ayaa la sheegay inay tahay tallaabo uu ka muujinayo carada uu ka qaaday go’aanka dawladda cusub ee UK ee la xiriira inaysan faragelin doonin go’aanka maxkamadda dambiga caalamiga ah oo waaran xarig ah u jartay Netanyahu iyo wasiirkiisa gaashaandhiga.

Dowladii uu RW ahaa Rishi Sunak ee dalka UK ayaa qarash badan ku bixisay sidii Netanyahu looga difaaci lahaa eedeymaha maxkamada ICG hase ahaatee xukuumada cusub ayaa ka gaabsatay iney halkaas ka sii wado

Inkastoo talaabadan uu qaaday Netanyahu, haddana Israa’iil ayaa si deg deg uga codsatay UK inay joogitaan rasmi ah oo militari ku yeeshaan aaggaga Israa’iil si ay uga difaacaan haddii weerarro ay uga yimaadaan Iran.

Dhinaca kale Shabakadaha Internetka Israa’iil ee bixiya adeegyada dawladda ayaa hawada laga saaray saacadihii u dambeeyay, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Kuwa hawada ka baxay waxaa ka mid ah, website-ka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha gudaha, hay’adda canshuuraha iyo kuwa kale, iyadoo u muuqato inay ka fogaanayso sheegista weerar internet inay Israa’iil la kulantay

Hay’adda tiknolojiyadda Israa’iil xaaladan waxay ku sheegtay cilad farsamo oo ay wajaheen

Hadda weerarrada Internetka ayaa ah dagaalka ugu weyn ee lagu dhaliyo khasaaraha dhaqaale iyo hab lagu burburiyo qorshayaasha dawladaha, shirkadaha iyo ururrada. Weerarrada internetkana waa kuwa ugu casrisan oo dawladaha ay meelgeliyaan hay’addo u qaabeysan inay ka hortagaan.

Related posts

Maxkamad kutaalla Belgium-ka oo 15-sanno oo xabsi ah ku riday Siyaasi Idiriss Awaleh

Cabdi Cade

Baraha Bulshada oo isku bedelay Fadhi-ku-dirirka Casriga !!

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Shir looga hadlayay Dar Dar Gelinta Horumarinta G/Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---