Dabley hubeysan ayaa galabta wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa dadka degaanka ku toogatay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan xaafad ku taalla dhabarka dambe ee Midnimo Super Market.
Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Deeqow ayaa ka mid ahaa shaqaalaha xarunta Maamulka degmada Waaberi, waxaana dableyda oo bastoolado ku hubeysneyd ay ku fureen rasaas xili uu ku sugnaa agagaarka hoygiisa.
Guddoomiyaha Waaxda Horseed ee degmada Waaberi Karaama Muriidi Muuse ayaa Allbanaadir online u xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah raggii dilka geystay halka mid kalena uu baxsaday.
“Wiilka la dilay oo la yiraahdo Deeqow wuxuu ahaa Xogheynta xafiiskeyga, nasiib wanaag mid ka mid ah raggii la dilay waa la qabtay, ka dib markii ay ceyrsadeen dadka degaanka kan labaad ee baxsadayna waa lagu raad joogaa” ayuu yiri Karaama.
Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa tagay saldhigga booliska degmada Waaberi, waxayna shacabka uga mahadceliyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca xiliyada qaar dilal ay geystaan rag bastoolado ku hubeysan oo ugaarsada shaqaalaha iyo ciidamada dowlada, inta badana laguma guuleysto in la qabto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com