Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo abaabul dagaal u tagay gobolka Sool (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobollada Maamulkaas ayaa maanta boogasho ku tegay taliska ciidanka Somaliland ee deegaanka Oog ee gobolka Sool.

Muuse Biixi waxa halkaas ku soo dhaweeyey taliyaha ciidankiisa , Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaana uu salaan Sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan taliska Oog.

Taliyaha ciidanka Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee ciidanka aaggaas ku sugan, waxana uu sheegay inay ciidamadu si buuxda diyaar ugu yihiin difaaca, isla markaana ku jiraan gudashada waajibkooda.

Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban u jeediyey ciidamada, ayaa ku bogaadiyey dedaalka ay ku jiraan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay difaacaan sharafta iyo haybadda Somaliland sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Muuse Biixi isagoo la hadlay askar lasoo tubay ayuu sheegay in dagaalku uusan dhammaan ilaa guusha u dambeysa la gaaro, isagoo jabkii 25kii Augustna 2023-kiina kasoo qaaday maalin meel laga kiciyey oo aan wax weyn aheyn, laakiin ay deg deg Somaliland ugu laaban doonto.

Degaanka Oog waa halka ay ku sugan yihiin ciidamadii Somaliland ee dagaalka looga saaray magaalada Laascaanood iyo degaanka Goojacadde waana xad beeleedka kala qeybiya beelaha SSC iyo Somaliland.

Related posts

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo si lama filaan ah u amaanay dowlada Qatar

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradiisa (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Maxamad Hery (Sawirro)

Cabdi Cade