Agaasinka Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta shaaciyay Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir kaasoo ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.
Waxaa gudubtay oo natiija wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka
Agaasinka ayaa sheegay inay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday.
Maxamed Mahad Yuusuf Xuseen oo wax ka bartay Dugsiga Salaaxudiin ee Degmada Warta Nabadda ayaa galay kaalinta 1aad, imtixaanka Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir, waxaana uu keenay 92.9.
Ayman Cabdulaahi Isaaq Caddow oo wax ka bartay Dugsiga Axmed Binu Xambal ee Degmada Hodan ayaa galay kaalinta 2aad ee Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 8aad.
Waxaa kaalinta 3aad wada galay labo arday oo kala ah Hibo Sharif Maxamed Maxamuud oo ka socotay Dugsiga Al-anwaar Ex Dhamme Yaasiin iyo Ayman Cabdulaahi Isaaq Caddow oo ka socday Dugsiga Macallin Caddow oo ku yaalla degaanka ceelasha.