Allbanaadir.com
NEWS

Ugandha oo USA ka dalbatay magdhow askartii looga dilay Somalia

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ka dalbaday dawladda Maraykanka ilaa 100 Bilyan oo Doollar oo magdhow u ah dhaqaalaha iyo khasaaraha nafeed ee ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya intii ay nabad ilaalinta u joogeen.

Qoraalo taxane ah oo lagu soo daabacay bogga X ee horay loo oran jiray (Twitter) ayaa dalabkaan lagu sameeyay.

“100 bilyan waa inta ugu yar ee aan ka rabo USA. Waana inay bixiyaan lacagta laga doonayo,” sida waxaa yiri Janaraal Muhoozi.

“Mareykanku waxaan uu ugu yaraan ku leenahay 100 bilyan oo shaqada aan ka qabanay Soomaaliya darteed. Waxaan sugeynaa lacag bixinta.” ayuu yiri Taliyaha oo ah wiilka uu dhalay madaxweynihii dalka Uganda, Yoweri Museveni

Uganda ayaa ahayd waddankii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo geeya Soomaaliya sannadkii 2007-dii, iyagoo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Waxaa Somalia looga dilay mudada 17-ka sano ah ee ay joogeen Somalia boqolaal askari, waxaana dhinaca kale askarta ugandha ay laayeen dad shacab ah.

Waxay door muhiim ah ka qaateen taageeridda dowladda Soomaaliya ee ay taakuleyso Qaramada Midoobay iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira DF.

Related posts

Dibad-baxyo rabshado wata oo ka socda Nairobi kadib qorshe ay soo jeedisay dowladda

Cabdi Cade

Turkiga iyo Ruushka oo gaaray Heshiis Taariikhi ah oo ka dhan ah Kurdiyiinta

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo maanta ku wajahan Garowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali