Ra’iisul Wasaaraha Xukyumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre uu wehliyo wasiirka Maaliyadda ayaa kulan caawa la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed
Kulankan dhax maray Xamse Barre iyo ganacsata ayaa diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.
Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.
Wasiirka Maaliyada Somalia ayaa sheegay in la isku afgartay labo qodob oo kala ah in la xaliyo tabashooyinka ganacsatada iyo la bilaabo canshuurta Iibka oo maanta ay bilowday DF
Kulankan Xamse Barre la qaatay ayaa imaanaya xilli ganacsatada gobolka Banaadir qoraal ay soo saareen ku shaaciyeen in beri laga bilaabo ay xiridoonaan goobahooda ganscsi, iyaga oo cabasho ka ah canshuuraha xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay.