Itoobiya waxaa ka go’an ineysan marna aqoonsaneyn madaxbanaanida maamulka Somaliland, xataa haddii ay sii jirto boqolka sano ee soo socda, waxeyna sidaas si la mida ay Itobiya u qirsan tahay inuusan caalamku Itobiya waxba ka weydiineyn jiritaanka madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse waxey Itobiya aragtaa oo ay ka faa’iideysaneysaa in Soomaaliya ay u ogoshahay iney soo hor fariisato oo ay kala hadasho gorgortanka ay gelisey midnimada wadajirkeeda dhuleed, taas oo Itobiya uga dhigan ooraahda ka turjumeysa halhayska Soomaaliyeed oo leh “ Ku Qabso Ku Qadi Meyside”.
Caalamku Itobiya sinaba ugama yeelayo iney dafirto sharci ahaanshaha madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si kasta oo ay ula timaado qiilkey doonto sidii ama iney xeelad ahaan ama xoogg ahaan ay ugu boobi lahayd biyaha Soomaaliya, waxaana dhowrista xeerarka caalamka u degsan indhaha ku haya wadamada waaweyn oo gaar ahaan daneynaya istratejiyada badeed iyo midka dhuleed oo ay Soomaaliya u aqoonsan yihiin iney iska leedahay, kuwaas oo ay u aqoonsan yihiin iney ka midaka yihiin kheyraadka ay milkayadeeda iska leedahay Soomaaliya.
Itobiya ma rabto xeebaha Soomaaliya ee ku yaala Badweynta Hindiya, waxeyna u aragta iney ku adag tahay iney halkaas ka difaacan karto danaha ay ku leedahay xeebahaas, waxaana taas u wehlisa iney u aragto in xeebahaas aysan danaheeda u lahayn istratejiyad muhiim u ah, taas oo ay sabab u tahay ineysan dhankaas ka jirin wadamo ka soo horjeedkeeda ku yaala oo ay maslaxadeeda ka dhex arki karto, waxaana taas cadeyn u ah in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Itobiyaanka u saxiixay heshiis ay ku yeelanayaan afar dekadood oo ku yaala xeebaha Badda Hindiya.
Badda Cas ayaa ah meesha ay dooneyso Itobiya iney u hesho xeelad ay ku yeelato milkiyada ay ku lahaaneyso qeyb ka mida biyaha Soomaaliya, waxeyna ay taasi tahay mida ku kaliftay Itobiya iney iska diido xeebaha Soomaaliya ee Badda Hindiya, balse taas bedelkeeda ay abuurtay qiil ku qabsiya oo ay xasarad uga dhigatay heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland ee gooni u goosadka ah, waxaana rabitaankeeda Badda Cas sii xoojiyey danaha ay la wadaagto Yuhuuda iyo Imaraadka oo dabada ka riixaya joogitaankeeda si ay Soomaaliya shuruud uga dhigan iney meesha ka saaraan Turkiga iyo Masar saameynta xooggan oo ay ku leeyihiin gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Badda Cas oo ay ku teedsan yihiin wadamada Carabta kuwooda ugu hodonsan, haddana ah mariin halbowle u ah isku socodka gaadiidka badda ee Yurub, Afrika, iyo Aasiya ayey Itobiya u aragtaa joogitaankeeda mileteri iney ku heleyso maqam sareeya oo xoojinaya iney caalamka ku yeelato saameyn weyn, gaar ahaan wadamada Khalijka iyo kuwa ay kala dhaxeyso ismaandhaafka dhuleed ama biyaha Nile, sida Eriteriya, Sudan, iyo Masar, waxey kalo Itobiya ay hamineysaa iney mustaqbalka saameynteedu ku fido Yemen, Cumaan, iyo Sacuudiga, iyadoo raadraacaysa duulaankii ay hadda ka hor ay ku qaaday kacbada Islaamka ka hor iyo iney qeybo ka mida wadamadaas xukumayeen wakhtigii hore.
Soomaaliya marna kama suurtowdo iney heshiis Itobiya ku siiso dhul ama bad midkoodna, waxaana u muuqata Soomaaliya damaca soo jireenka ah ee Itobiya ay ku dooneyso iney ku hanato Soomaaliya iyo kheyraadkeeda badaha iyo beriga, waxeyna Soomaaliya derisnimada Itobiya iyo wada dhalashada kala dhexeysa qowmiyadaha Cafarta iyo Oromada awgeed ay ugu ogolaan kartaa Itobiya iney wada galaan heshiis ganacsi oo ay dekedaha Soomaaliya ugala soo degi karto ganacsatada Itobiya badeecadaha daruuriga u ah nolol maalmeedka maciishadda dadweynaha Itobiya.
Soomaaliya sinaba Itobiya uma siin karto deked iyo saldhig ciidan midna iney ku yeelato xeebaha Soomaaliya inta ay Itobiya haysato dhulka Soomaaliyeed oo uu isticmaarku siiyey, waxaana taas mowqifkeeda sii adkeyneysa in dhismo saldhig ciidan iyo deked oo ay maalgelinteeda iska leedahay leedahay Itobiya ay ku dambeyneyso lahaansho milkiyadeed oo dood gelineysa wadajirka dhuleed ee mustaqbalka Soomaaliya, sidaas daradeedna aysan ansax ku noqoneyn kiro ay itobiya ku dhisaneyso maalgashiga xeebaha Soomaaliya, si kasta oo ay mudo cayiman oo kooban ay u qabsato, maxaa yeelay waxaa Soomaaliya xaqiiq u ah iney u cadahay iney yeelaneyso dhulka cida degen waqti dheer oo dhalanrog shacbiyadeed ku yeelaneysa deegaanka.
Itobiya waxaa heysata culaabo ay soo saareen hayaddaha deymaha ku bixiya dhaqaalaha oo ay iyadu ka dalbatay kaalmooyin lacageed, waxaana shardi ahaan lagu xiray iney furfurto suuqyadeeda oo ay ka dhigto kuwo xora, iyo iney joojiso colaadaha kala dhexeeya wadamada deriska iyo kuwa ay wadaagaan biyaha Nile, sidaasna ay ku hesho maalgelin ku xiran xasilooni siyaasadeed, waxeyna taas Itobiya ku qasabtay iney Soomaaliya la furto wadahadal ay uga dan leedahay iney ku qalado ra’yiga caalamka, iyadoo tusineysa caalamka in Soomaaliya ay ogoshahay iney heshiis kala gasho rabitaankeeda biyaha Badda Cas, taas oo ay dooneyso iney ku kasbato “credit” ay ku hesho iney Soomaaliya wada xaajood nabadeed ay kula jirto, kaas oo ay si buuxda ugu rajeyneyso inuu ku soo dhamaanayo in Soomaaliya ay ogolaato dalabka Itobiya.
Soomaaliya waxaa la gudboon iney joojiso dalabkeeda ku aadan oo ay ku dooneyso in Itobiya ay shardi uga dhigto iney ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, taas bedelkeedana ay ku adkeysato ineysan wadahadal kala geleyn Itobiya wax ku saabsan gorgortanka madaxbanaanideeda dhuleed ee Soomaaliya, isla markaas iyadoo cadeyneysa iney Soomaaliya diyaar u tahay hagaajinta xiriirka labada dal caadeyeentiisa, waxeyna Soomaaliya u cadeyneysaa Itobiya inaysan hadda gudo geli karin heshiis ganacsi oo ay Itobiya ay kula gasho Soomaaliya xeebaheeda waqooyiga, taas oo marka hore ay Soomaaliya u baahan tahay iney gacanteeda ku soo celiso dhulalkaas uga maqan goni u goosadka, kuwaas oo u baahan dibuheshiisiin qaadan karta wakhti dheer oo ay Soomaaliya u marto mariin nabadeed si ay ugu soo celiso gacan ku haynteeda, isla markaasna ay uga shaqeyso midnimada iyo nabad ku wada noolaashaha shacabka waqooyiga iyo kuwa koofurta Soomaaliya.
Soomaaliya waa ineysan marna noqon ama aysan u muuqan midka koowaad oo heshiiska gorgortanka u soo bandhiga dalabkeeda, taas oo ka turjumeysa iney si liidata oo nugul ay baahi xooggan u qabto in la gaaro heshiis ay ku dulman tahay.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com