Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Maaliyadda oo Shaacisay war ku saabsan Canshuurta Gadidda

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay warbixin  ay ganacsatada  canshuur bixiyaasha ugu sharaxeyso hannaanka ay canshuurta gadistu u jarmeyso, taas oo la filayo in beri si rasmi ah u bilaabato.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda Maaliyadda ayey caddeysay in aysan wax canshuur ah ka go’eyn haddii laba ganacsi wax kala iibsadaan iyaga oo isticmaayo koontooyinkooda ganacsi si looga fogaado in laba mar la canshuuro ganacsiga.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan wax lacag ah ka go’eyn lacagaha EVC iyo Edahab isaga diraan dadka caadiga ah, waxa ayna tilmaameen kaliya in lacagaha canshuurta gadista ka go’eyso lacagaha kale ee ganacsiyada u sameysan ee loo yaqaan Merchants.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talo Muhiim ah oo ku socoto Muxaafadka iyo Mucaaradka dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Bandhig Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir muhiim ah oo katirsanaa Jubbaland oo isku casilay Cabdirashiid Janan Owgiis !!

Cabdi Cade