Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay guddoomiyaal, agaasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

“Waxaan bogaadinayaa horumarrada NIRA ay sanadkii tagay ka sameysay Dib u habeynta habkan Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Dowladda Federaalka ah waxaa hortabin u leh in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed iyo qof kasta oo deggan Jamhuuriyadda uu helo nidaam aqoonsi sharci ah si loo gaarsiiyo adeegyada kala duwan, Tallaabadaas oo qeyb ka ah yoolka UN Sustainable Development Goal (SDG) Lamber 16.9, taasi oo dadka oo dhan loogu helayo Aqoonsi Sharci ah.”ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay wasaaradiisa  in hay’adda NIRA ay ku taageerto fulinta hannaanka diiwaangelinta Qaran dalka dhan. Waxaanna h

Maareeyaha Hay’adda NIRA Cabdiweli Timacadde oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in muhiimadda shirkaan uu yahay horumarinta nidaamka aqoonsiga qaranka, isaga oo bogaadiyay dadaalada hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya nidaamka aqoonsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u eegis lagu sameeyay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda dalka

Cabdi Cade

Dowlad Kaamirooyin ku xirtay Goobaha bulshada si loo ogaado Haweenka aan xijaabka xiran

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Su’aal galiyay cida xiligan dalka Xukunta !!

Cabdi Cade