Maleeshiyaad katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar toos ah ku qaaday xero ay degan yihiin ciidanka booliis milataaro, xerada weerarka lagu qaaday ayaana ku taalla deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha Biyaha.
Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa weerarkooda ku bilaabay sabano iyo hub kale oo culus, waxaana aaga xerada ay weerareen ka dhacay dagaal toos ah oo muddo daqiiqado ah socday, kaa oo dhax maray labada dhinac ee iska soo horjeeday.
Dadka deegaanka ayaana ku warramay in ay maqlayeen jugta rasaas culus oo labada dhinac is dhaafsanayeen, waxaana daqiiqado badan xaalad qalqal badan ku jiray dadka degan aaga uu dagaalka xalay ka socday.
Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray ciidanka booliis milataaro iyo kooxdii Al Shabaab ee weerarka qaaday, sidoo kale lama soo warin khasaaro nafeed oo dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalka ka dhacay deegaanka Arbacow.
Saraakiil katirsan laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaana sheegay in ciidanka booliisa milataaro iska caabiyeen weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna xuseen saraakiisha in Al Shabaab dib loogu celiyay halkii ay kasoo duullaan tageen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com