Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay 10 nin oo katirsanaa Al Shabaab

Fagaare kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland waxaa saakay xukun dil ah lagula fuliyay toban ninĀ  oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo horrey xukun dil ah ugu riday maxkamadda ciidamada ee Puntland.

Raggan xukunka dilka ah saakay lagu fuliyay ayaa horey loogu helay in dilal madaxjabis ah iyo qaraxyo uga geesteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxa ayna raggan qaarkoods qirteen in dambiyada lagu soo eedeeyay ay galeen.

Saraakiil katirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntlnad oo ka hadlay fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay ayaa sheegay in raggan saakay la toogtay ay horey u dileen dad badan oo wax gal u ahaa bulshada ku dhaqan gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca maamulka Puntland.

Xukunkan dilka ah ayaa imaanaya xilli dhawaan xabsi kuyaalla waqooyioga magaalada Gaalkacyo ka baxsadeen xubno katirsanaa Al Shabaab oo xukun dil ah horey loogu riday, ragga baxsaday qaarkood ayaa lasoo qabtay, halka wali baxsad ku jiraan saddex nin oo maxaabiista kamid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeesay dad badan ku dhintay Kaniisad

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay Magacyada Wasiiro iyo xubno kale oo heesta Hanti Dowladeed Ā 

Cabdi Cade

Dad ka careysnaa Dilkii Qasim Suleymani oo isugu soo baxay jidadka Baqdaad (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---