Waxay ahayd 48 saacadood oo xamaasad leh wareeg cusub oo wadahadal ah oo ay martigelisay Doxa si heshiis xabad joojin ah ay u gaaraan Israel iyo Xamas.
War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen dalalka Qatar, Masar iyo Maraykanka, ayay ku sheegeen in labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Doxa ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday dowladaha dhinacyadaasi oo ay dhexdhexaadin ahaan u socdeen wada-hadallo xooggan oo looga gol leeyahay in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah.
Waxaa sidoo kale dadaaladan la doonayaa in lagu xaqiijiyo sii daynta la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta. Wadahadalladan ayaa ahaa “kuwa halis ah, wax dhisaya kuna dhacay jawi wanaagsan,” sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah.
Warku waxa uu intaa ku daray in dalka Maraykanka oo taageero ka helaya dawladaha Qatar iyo Masar ay labada dhinac u bandhigeen hindise lagu soo koobayo farqiga u dhexeeya labada dhinac isla markaana waafaqsan mabaadii’da heshiisyadii hore.
“Soojeedintani waxay ku dhisan tahay qodobbadii lagu heshiiyey ee la gaaray usbuucii la soo dhaafay, waxayna soo afjaraysaa dulduleelada harsan si ay u suurtogeliso in si degdeg ah loo dhaqangeliyo heshiiska.”
Wadahadaladan ayaa ah kuwa leh muhiimad gaar ah xilli ay sii kordheyso xiisadda gobolka gaar ahaan Xisbulahi iyo Iran oo iyagu ku hanjabay in ay israa’iil ku qaadi doonaan weeraro ay kaga jawabayan dilalkii taliyihii ciidamada xisbiga Fowad Shukr iyo dilkii Haniyeh.
Wafdiga Israa’iil ayaa go’aansaday, cadaadis uga yimid dhexdhexaadiyeyaasha, inay sii joogaan Doxa habeen kale, iyada oo wax lagu sheegay “horumar la taaban karo oo laga gaaray khilaafyadii hore” taasi oo looga gol leeyahay heshiis kama dambeys ah oo dhexmara Israel iyo Xamaas.
Wafdiga Israel ayaa waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha heerka koowaad ee sirdoonka Israel, kuwaas oo kala ah madaxa Mossad David Barnea iyo taliyaha guud ee amniga guud Ronen Bar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com