Dab khasaaro geestay ayaa barqonimadii maanta qabsaday qeyb kamid ah keydka hadalka Radio Muqdisho, waxaana dabkan lagu guuleestay in la damiyo daqiiqado kadib kahor inta uusan sii faafin.
Gaadiidka dab damiska ayaa si deg deg ah usoo gaaray xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan dhismaha uu kuyaala Radio Muqdisho oo dab qabsaday qeybta Keydka raadiyaha.
Dabka ayaa lagu guuleestay la damiyo, waxaana agaasinka Radio Muqdisho Warbaahinta u sheegay in dabka uusan geysan khasaasro sidaa u badan marka laga reebo cajalado keydka raadiyaha yaalay oo gubtay.
Dabka maanta qabsaday qeyb kamid ah Raadiyaha dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka dhashay cilad korono, waxaana intii dambu socday hakad galay shaqooyin ka socday xarunta Wasaarada Warfaafinta uu ku dhax yaalo raadiyaha Qaranka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com