Allbanaadir.com
NEWS

UN-KA oo shaaciyay goobo kuyaalla Muqdisho oo Al Shabaab weerarayaan

Xarunta Xalane ee kutaalla xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , waxaa degan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha dowladaha reer Galbeedka ee Muqdisho kuyaalla.

Safaaradaha iyo hay’adaha degan xarunta Xalane ayaa mararka qaar baahiya qoraalo digniin ah ay ku sheegayaan in weeraro argagaxiso ka dhacayaan xarumo iyo goobo kale oo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay ee kutaalla xarunta Xalane ayaa soo saartay dignino amni, waxa ayna sheegeen in ay jiraan weeraro argaxiso oo Al Shabaab u adeegsanayaan gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay oo ka dhici kara goobo Muqdisho kuyaalla.

Digniinta ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa loogu digay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee caasimadad ku sugan, waxaana digniintan lagu sheegay in goobaha weerarka ka dhici karaan ay kamid yihiin hoteelo , baro koontarool oo kamid yahay midka Villa Soomaaliya laga ilaaliyo iyo xeebta Liido.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaana looga digay in goobaha suurtaglka ay tahay in weerarada ka dhacaan in aysan booqan , waxaana lagu booriyay in guryahooda , xarumahooda iyo goobo kale oo ammaan ah ku sugnaadaan.

Digniinaha amni ee laga soo saaro xarunta Xalane ayaana mararka qaar la sheegaa in ay noqdaan kuwa xaqiiqo ah, halka mararka qaarna la tilmaamo in ay yihiin kuwa kaliya cabsi galin iyo walwal lagu galinayo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo markii ugu horeysay taageero caalami ah u heshay dacwadda Badda

Caydiid Ali

RW Rooble: “Ciidamo gaar ah ayaa sugi doona ammaanka doorashada dalka”

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Yurub oo aqbashay in dalkeeda lagu galo baasaboorka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---