Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada oo ka hadashay dab saakay ka kacay garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa ka hadlay dab saakay ka kacay gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , dabka ayaana sababay in saacado hadad galo shaqadii garoonka.

Omaar ayaa sheegay in dab uu ka kacay gudaha maqaayad kutaala garoonka Aadan Cadde, waxa uuna Wasiirka sheegay in dabku uusan dhalin khasaaro nafeed uuna ahaa nid kooban.

Waxa uu sheegay Wasiirka Duulista Hawada  in dabku ku koobnaa kaliya kushiinka maqaayada laguna guuleestay in deg deg loo damiyo, waxa uuna tilmaamay in dabku ka dhashay koronto.

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in dabka uusan saameyn badan ku yeelan shaqdoo garoonka, waxa uuna tilmaamay in howlaha garoonka uu si caadi ah u socdo.

Dabka saakay ka kacay gudaha maqaayad kutaala garoonka Aadan Cadde gaar ahaan qeybta duulimaadyada caalamiga ayaa sababay in saacado kooban hakad galaan shaqooyinkii garoonka ka socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo ciidamo hor leh u tababaraya dowlada Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo Baaq deg deg ah kasoo saartay Xaaladadaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---