Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha bar-xuduudeedka Feer-Feer oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed, ayaa xarigga ka jaray dhismaha bar-xuduudka degmada Feer-Feer ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in uu dhameystiran yahay guud ahaan qalabkii lagu hubin lahaa dadka ku safraya xuduudka, taas oo qayb wayn ka ah amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Hay’addu wado qorshayaal kale oo lagu horumarinayo dhismayaasha bar-xuduudeedyada dalka laga soo galo, taas oo qayb ka qaadanaysa la socodka dhaq dhaqaaqa socdaalka iyo ilaalinta xudduudaha dalka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Bar-xuduudeedka degmada Feer-Feer ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah marinada laga soo galo wadanka, waana bar uu isaga kala gudbo ganacsiga ladabada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida gaadiidka wada badeecadaha kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Magaalada Muqdisho uga furmay dowlada Somalia iyo SDRF (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca iyo taliyaha ciidanka XDS oo gaaray jiidaha dagaalka Hiiraan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiddig caan ka ah Afrika oo ku dhintay garoonka dhaxdiisa xilli uu kubad ciyaarayay

Cabdi Cade