Dalka Hindiya waxaa ka socda dibadbaxo xooggan oo ay dhigayaan dhaqaatiir iyo haween badan , kuwaa oo ka carooday kufsi iyo dil argagax leh oo loo geestay dhaqtarad ka shaqeeneysay isbitaal kuyaalla gobolka West Bangal ee dalka Hindiya.
Koox rag ah ayaa la sheegay in ay kufsi iyo dil u geesteen dhaqtarada ka howlgaleysay isbitaalka West Bangal, waxaana falkan lagula kacay dhaqtarada aad uga naxay ugana carooday dhaqaatiirta dalka Hindiya iyo qeybo badan oo bulshada kamid ah.
Dad dibadbax dhigayay ayaa weerar ku qaaday isbitaal kuyaalla magaalada Kolkata ee dalka Hindiya , waxa ayna dibadbaxyaasha dhulka dhigeen isbitaalka , halkaas oo la sheegay in ay aheyd goobtii dhaqtarada lagu kufsaday laguna dilay.
Ururka Dhakhaatiirta dalka Hindiya (IMA) iyo midawga ugu weyn ee dhakhaatiirta dalka ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah, wixii aan ahayn adeegyada degdegga tan iyo inta laga gaarayo maalinta Sabtida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com