Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo runta wejiga ka saaray Raisul wasaare Netanyahu

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa telefoon kula hadlay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu isagoo u sheegay in la joogo waqtigii uu aqbali lahaa heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro dagaalka Qasa

Trump ayaa u sheegay Netanyahu inuu ansixiyo soo jeedinta ka soo bixi karta wada-hadallada Dooxa uga furmaya wafuudda Qatar, Masar, Mareykanka iyo Israa’iil si loo gaaro heshiis horseedaya xabbad-joojin iyo in maxaabiista la sii daayo.

“Waxaan ku dhiirrigaliyay Netanyahu in la soo afjaro dagaalka Qasa… waxaan ku iri guushada si dhaqso ah u qaado— laakin waa in dilka uu joogsadaa.” ayuu yiri Trump

Mareykanka oo ah xulufada ugu weyn Israa’iil, wuxuu hadda arkayaa sii socoshada dagaal inuu dhibaato weyn u horseedayo Israa’iil, xilli Netanyahu uu la kulmayo cadaadis gudaha ah oo uga imaanaya wasiirkiisa difaaca, madaxa sirdoonka iyo saraakiisha militariga.

Dhammaan waxay si cad u sheegeen qorshaha dagaalka iyo fikradaha Netanyahu inay yihiin kuwo guul-darro ah, si la mid ah cadaadiska hanjabadaha Iran iyo Xisbullah ayaa qasbaya heshiis la gaaro si looga baaqsado weerarro ay Israa’iil la kulmi karto.

 

Related posts

Xubin sare oo katirsan Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo saaray ammaro ku socda Shirkadaha Isgaarsiinta

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Boggaadiyay guul weyn oo saakay gaareen Ciidanka huwanta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---