Allbanaadir.com
NEWS

Guddiyo uu Magacaabay Wasiir Axmed Fiqi oo howlgalay

Kulan kii ugu horreeyay ee ay iskugu yimaadeen maanta labo guddi oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, uu u xilsaarray dib u habaynta xarunta Wasaaradda iyo Ergooyinkeeda Dibadda ayaa waxaa furay Xoghayaha Joogtada, Mudane Xamsa Aadan Xaadow.

Xaadow ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada inay ka soo dhalaalaan waajibaadka shaqo ee kala duwan ee loo igmaday.

Xubnaha labada guddi ayaa kulankooda si wadajir ah ugu doortay Avv. Xirsi Xaaji Culusow, Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Guddoomiye kuxigeenka Guddiga.

Waxaa kadib loo codeeyay doorashada Iskuduwayaasha iyo kuxigeennadooda ee hoggaamin doona lix guddi hoosaad oo ka faracmay labada guddi.

Waxaa la filayaa in xubnaha guddiyadan ay soo saari doonaan markii ugu horraysay wax ka beddel ballaaran hannaanka shaqo, shaqaale, xeerar, hindisayaal iyo sharciyo , kadibna ay la wadaagi doonaan Wasiirka Wasaaradda si loo horgeeyo Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan, loona meel-mariyo, si Wasaaraddu u hiigsato hannaan sarreeya oo ay kaga sare marto dhiggeeda dalal badan.

Related posts

Laascaanood oo xalay marti gelisay hub culus iyo dagaal saaka ka sii socda

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy oo safar deg deg ah ku tagay magaalada Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjireyaal cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---