Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidanka Jubbaland oo xukuntay rag lagu eedeeyey..

Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gunaanadday xukun ka soo saartay kiisas burcadnimo ah

Waxaa kiisaskan eedaysaneyaal ka ahaa afar nin oo kala  ah Xasan Daahir Aways, Aadan Cabdirisaaq Cali, Yaxye Maxamed Xuseen iyo Cabdiladiif Maxamed Muxumed.

Waxa xusid mudan in afarta nin ee ay maanta Maxkamadda Ciidamadu kiisaskooda go’aanka ka soo saartay ay isugu jiraan Askar iyo Askar u ekeyaal

Xasan Daahir Aways iyo Aadan Cabdirisaaq Cali labada shacabka ah ayaa lagu helay inay muwaadiniinta ku dhacayeen Bastoolad been abuur ah iyo gaari Alto ah, halka Yaxye Maxamed Xuseen iyo Cabdiladiif Maxamed Muxumed oo ka kala tirsan Ciidamada Daraawiishta iyo Nabadsugidda gaar ahaan Guutada Gurmad Garan ay iyaguna hubkii loogu tala galay inay shacabka ku difaacaan ay ku dhacayeen.

Maxkamada ayaa ku xukuntay afarta nin min sadex sano oo xabsi ciidan ah

Related posts

(Akhriso) DF oo ku guuleysatay arrin ay ku fashilmeen dowladihii ka horeeyey

Caydiid Ali

Runta Kharaar : Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe !

Cabdi Cade

Ciidanka AMISOM oo baaritaan adag ka bilaabay xerada Xalane & garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---