Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya: “Jid kasta ayaan u mareynaa inaan Bad helno”

Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadayso dadaalkeeda diblomaasiyadeed ee la xariira helida dhul badeed, waxayna sheegtay in ay jid kasta u marayso sidii loo hubin lahaa gaarida Biyaha Badda iyo adeegsigeeda oo sugan.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla, oo kula hadlay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay arrintan ka shaqeynayaan, wajiga 3aad ee shirka Ankarana ay tagi doonaan, isagoo amaan kala dul-dhacay Turkiga.

Tedla ayaa sheegay in ay qasab tahay in lagala tashado howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, haddii la bedelayo magaca iyo shaqadiisaba, wuxuuna sheegay inay Itoobiya qeyb ka tahay qorshahan, loona baahan yahay in la dhageysto oo lagu qasban yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Itoobiya waxay sheegtay inay isku garab wadayso la wadahadalka DF Soomaaliya & dhaqangelinta Isafgaradkii ay Somaliland la gashay.

Turkiga & daneeyaasha arrimahan ee caalamka ayay sheegtay inay aqbaleen doodooda ah iney  bad helaan.

Itoobiya waxay cadeysay inaysan ka laabaneyn MOU-gii ay Somaliland la galeen, dhinaca kalena ay gorgortan kula jiraan DF Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ayaa dhowaan sheegay ineysan aqbaleyn qorshaha Itoobiya ay wadato oo ka dhigan “Ku qabso ku qadi meyside” wuxuuna xusay in Somalia aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda ku diidan tahay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

 

Related posts

Kulamo kala duwan oo Xasaasi ah oo caawa ka socda magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo si weyn loogu dhaleeceeyay Dhaqaalo ay ku taageertay Soomaaliya

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo laga qabsaday degaan ku dhow Baydhabo & Xiisad ka taagan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---