Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo madaxda DF ugu baaqay joojinta caburinta iyo cabsigalinta

Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatooyin ciidamada ammaanka u geesteen dhallinyaro kamid ah wadayaasha mooto Bajaajta, kuwaa oo dhigayay dibadbax cabasho ah.

Kheyre ayaa sheegay in dhallinyarada Bajaajlayaashu yihiin muwaadiniin canshuur-bixiyayaal ah, xaq dastuuri ahna ay u leeyihiin in ay bannaanbaxaan oo ay si nabdoon u soo gudbiyaan dareenkooda, waxa uuna ayaandarro ku tilmaamay in rasaas nool nool lagu rido dhallinyarada lana xir xiro.

”Waxaan la damqanayaa oo aan dareenka la qeybsanayaa bajaajlayaashii ay dowladdoodu weerartay, halkii ay ka sugayeen in ay ka jawaabto cabashadooda. Waxaana Alle caafimaad u waydiinayaa dhallinyaradii weerarkan ku dhaawacantay iyagoo raadsanaya xaqooda dastuuriga ah” ayuu yiri Kheyre.

Xasan Kheyre ayaa ugu baaqay madaxda dowladda ugu sarreeya in ay joojiyaan caburinta iyo cabsigalinta lagu hayo dhallinyarada wadayasaha mooto Bajaajta, waxa uu sidoo kale ku baaqay in lasii daayo dhallinyarada Bajaajleyda ay ciidamada ammaanka xireen.

”Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka joogsadaan cabsigelinta iyo caburinta bajaajlayaasha, si degdeg ah oo shuruud la’aan ahna loo soo daayo dhallinyaradii maanta la xirxiray. Sidoo kale, waxaan ciidamada qaranka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan siyaasadda, ilaaliyaan, una turaan shacabka Soomaaliyeed ee duruufaha adag la daalaadhacaya” ayuu yiri Kheyre.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka socday dibadbaxyo ay dhigayeen qaar kamid ah dhallinyarada wadayaasha mooto Bajajata, kuwaa oo ka cabanayay in lacago dheeraad ah lagu soo rogay, sidoo kale ciidamada dowladda jid walbo u taagan yihiin kana qaadayaan lacago baad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Masaajidda Qadar oo qaabilaya dadweyne xiisaynaya barashada ilbaxnimada Islaamka!

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo dalab niyad jab abuuray hor dhigay shirka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay Shirkii amniga Galmudug ee ka dhacay Dhuusamareeb? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---