Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo shaacisay in nolosha ku qabteen 100 askari oo Ruush ah

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka milatariga Ukraine iyo kuwa Ruushka ayaa ka socda gobolka Kursk ee gudaha Ruushka, waxaana dagaalkan noqday mid layaab ku noqday dad badan kaddib markii ciidamada Ukraine awood u yeesheen in Ruushka gobol katirsan galaan.

Milatariga Ukraine ayaana guulo wax ku ool ah ka sheegtay duullaanka ay ku galeen gudaha Ruushka, waxa ayna sheegeen in halkaasi ku jabiyeen ciidamada Ruushka ee ku sugnaa gobolkaasi ayna gaarsiiyeen khasaarooyin xooggan.

Taliyaha ugu sarreeya milatariga dalka Ukraine Oleksandr Syrsky, ayaa sheegay in duullaanka ay ku qaadeen gobolka Kursk ku dileen askar badan oo Ruushka u dhashay, waxa uu sidoo kale shaaciyeen in nolosha ku qabteen askar gaareysa ilaa 100.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa ammaan badan u jeediyay askarta Ukraine ee duulaanka ku galay gudaha Ruushka, waxa uuna sheegay in dagaalka ka socda gobolka Kursk ciidankooda ka gaareen guulo waa weyn.

Milatariga Ruushka ayaana isku dayaya sidii ay isaga caabin lahaayeen ciidamada Ukraine ee duullaanka lama filaanka ah ku qaaday gobolka Kursk, Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaan ku hanjabay in jawaab degdeg ah ka bixin doonaan duullaanka Ukraine,.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Ninka gaarigiisa kula safray Shinni badan iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cabanaya (Akhriso)

Cabdi Cade