Allbanaadir.com
NEWS

WHO oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kaddib markii …

Cudurka Busbuska loo yaqaan ayaa ku faafaya dalal kuyaalla Qaarada Afrika, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii gaaro dalal hor leh oo kuyaalla Qaarada uuna dhibaato badan gaarsiiyo dadka halkaasi kunool, gaar ahaan carruurta yar yar.

Hay’adda  Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO  ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo quseysa caafimaadka guud caalamka, kaddib ay shaacisay in cudurka Busbuska uu ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

WHO ayaana digniinta ay soo saartay imaaneysaa xilli uu sii faafayo cudurka Busbuska uuna sii gaarayo dalal hor leh, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saarray WHO cudurkan ayaa hadda ku faafay dalal daris la ah dalka Congo oo cudurkan horey loogu arkay.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay, in jawaab caalami ah oo la iska kaashaday ay lama huraan u tahay joohinta faafitaanka cudurkan si loo badbaadiyo nolosha dad fara badan, waxa uuna digniin u diray dalalka uu hadda ku faafayo cudurkan.

Cudurka Busbuska oo si fudud ku faafa gaar ahaan isku dhawaanshaha dadka iyo taabshada ayaa ku bilowda qandho, waxaana ku xiga nabaro badan  oo jirka kasoo baxa, waxa uuna hadda gaaray cudurkan dalal ay kamid yihiin Kenya, Uganda , Burundi iyo Rwanda,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo caawa ciyaaraysa kulankii ugu horeeyey isreeb-reebka Koobka aduunka

Caydiid Ali

DEG DEG: Fanaanad caan ah oo goor dhow Muqdisho ku geeriyootay

Caydiid Ali

Taliyihii booliiska Galmudug oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---