Garsoorayaal Soomaali ah ayaa loo xushay iney dhexdhexaadiyaan Ciyaar caalami ah oo ka tirsan isreebreebka Koobka kubada cagta Qaramada Afrika (African Cup of Nations Qualifiers 2019) taasoo dhici doonta 18-ka bishan.
Waxaa isaga hor imaanaya ciyaartan Xulalka dalalka Botswana iyo Mauritania.
Xiriirka Garsoorayaasha iyo kan Kubada cagta Afrika ayaa Garsoorka dhexda ee ciyaarta Botswana iyo Mauritania u doortay Hassan Mohamed Hajji, halka Kaaliyaha 1aad laga dhigay Hamza Hajji Abdi, iyadoo Kaaliyaha 2aadna loo magacaabay Suleiman Bashir Sheikh.
Xulka Mauritania ayaa kulankii hore 1-0 ku badisay, kulankana si ay u soo baxdo barbar dhac ama guul kale ayeyna u baahan tahay, markii ugu horeysay ee ay tartanka Qaramada afrika u soo baxdo ayayna noqonaysaa hadii ay riyadeeda u rumowdo.
Garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa Sanadihii ugu dambeeyay waxay aad uga dhex muuqdeen Garsoorka Ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee ka dhaca qaarada Africa iyagoo Kalsooni weyn ka helay Xiriirada K/cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee (CECAFA) iyo xiriirka kubada cagta ee Afrika (CAF) oo u qiray inay yihiin kuwo si habsami leh u qabta Tartamada isla markaana aan marnaba lagu arkin wax ka baxsan Xeerka Kubadda Cagta u degsan.
Garsoorayaal magac ku lahaa Qaaradda afrika ayaa dhowaan shaqada laga fariisiyey ka dib Markii lagu helay iney ku kaceen Masuqmaasuq iyo Eex.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ