Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo shaacisay in Turkiga xal ka keeni karin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Turkigu aanu xal ka keeni karin dhex-dhexaadintiisa Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhashay MOU-gii badda.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hoos u dhigay suurtagalnimada dhexdhexaadinta Turkiga in lagu gaari karo xalka khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa tilmaamay halka la joogo in uu xalku yahay labada dal midkood in uu ka tanaasulo mowqifkiisa, wuxuuna intaasi raaciyay in dowladda Jabuuti ay hayso xal qarsoodi ah oo lagu xallin karo khilaafka labada dal.

Jabuuti oo hoggaamisa urur-gobolleedka IGAD ayaa ku guul-darraysatay iskudayadii bilowgii khilaafkan in la isku keeno labada waddan , mana cadda hadda sida xalka Jabuuti ee qarsoodiga ah ay u oggalaanayaan labada dhinac

 

Related posts

Taliyihii Hore ee Nabad sugida oo Layaab ku tilmaamay Warqada kasoo baxday NISA

Cabdi Cade

Daawooyin iyo waxyaabo kale oo maanka-dooriya oo la gubay iyo Madaale oo Digniin diray

Cabdi Cade

Heshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo la ansixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---