Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la kulmay Michael Nithavrianakis (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta xarunta taliska ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa safiirka UK ee Soomaaliya kala hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka ciidanka iyo sare u qaadista taageerada dowladda UK ee dhanka Milateriga.

Danjire Michael Nithavrianakis, ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka u ballanqaaday in dhinacyo badan ka taageeri doonaan ciidanka xoogga, gaar ahaan dhinaca tababarada , saadka iyo horumarinta, waxa uuna ammaanay guulaha ciidanka ka gaarayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowladad Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha taageerda dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya, waxa ayna Ingiriiska gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xeryo lagu tababaro ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo la sheegay iney 14 xubnood iska laayeen ka dib dagaal dhexmaray

Caydiid Ali

Xaaf oo Shirka Musharaxiinta u socda ku tilmaamay mid aan xalaal aheyn

Caydiid Ali

Ciidamo diidan muddo kororsiga Laftagareen oo Baydhabo looga dhawaaqay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---