Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, kaa oo gaari Cabdibille ah oo ciidanka lahaayeen ku waxyeeleeyay mootooyin bajaaj ah ay lahayaeen dhallinyaro dibadbax cabasho ah dhigayay.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in la xiray D/le Bol Farxaan Axmed Cismaan oo katirsan saldhigga boliiska Hodan, kaas oo lagu eedeeyay in uu ku lakacay muwaadiniin Soomaaliyeed oo banaanbaxayey fal ka’aradan hab-dhaqanka ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in askarigan ku kacay falka aadka looga carooday in la horgeyn doono caddaaladda, waxa ayna booliiska uga digeen bulshada Soomaaliyeed ka qeybgalka dibadbaxyada aan sharciga aheyn ayna ka dhalan karaan dhibaatooyin kala duwan.
Muuqaal laga duubay laguna baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay askarigan oo baabuur Cabdibille ah oo booliiska lahaayeen jiirsiinaya mootooyin Bajaaj ah oo lagu xiray laamiga Makka Al Mukarama qeybo kamid ah, xilli ay halkaasi bannaanbax ka dhigayeen dhallinyarada mootooyinka ku shaqeysta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com