Turkiga ayaa ku dhawaaqay in 17 September uu shir kale Ankara ku dhexmarayo Somalia & Itoobiya, uuna noqonayo kan u dambeeya ee wada hadalo ay garwadeen ka tahay Turkigu.
Wasiirka arrimaha dibada Turkiga oo ay hareer joogaan dhigiisa Soomaaliya & Itoobiya, ayaa sidaas sheegay wuxuuna tilmaamay in horumar la sameeyey hadda, marka loo eego wajigii 1aad ee shirka bishii July.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wadahalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia oo garwadeen ay ka tahay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wareeggii labaad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan, Soomaaliyana ay caddeysey mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamey lama taabtaan.
Waxaa wareeg 3aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga sida mas’uuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helista xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ay wada qabteen dhigiisa dalalka Somalia & Itoobiya ayaa ku celiyey inay Itoobiya xaq u leedahay helida marin Biyood ay wax kala soo dagto.