Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo shaaciyey fursad qaali ah oo ay heshay Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, iyadoo si gaar ah looga dooday sidii looga faa’iidaysan lahaa fursadahaas.

“Haddii dadkeenu aysan ka shaqeyn inaan ka dhaqaaqno marxaladda maanta dalkeenubku sugan yahay, waligeen dunida waan ka danbayn doonaa” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in guulaha Xukuumadda DanQaran ay ka mid tahay deyn cafinta, taas oo ku timi dadaallo badan oo la xiriira dib u habaynta dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadda dalka oo salka loo dhigay, isla markaana ay gacanta ku hayso qorshaha dib u casriyeynta dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhaqaalaha oo intii Xukuumaddu jirtay ay dajisay shuruucdii iyo xeerarkii lagu hagaayey dhaqaalaha dalka iyo maalgashiyada caalamiga ah.

“Soomaaliya waxa ay heshay fursad ay Bariga dhexe, Khaliijka illaa China aan ku gaarsiinayno  Xoolaha iyo Dalageenna” ayuu yiri oo intaas ku daray in sanadihii u danbeeyay Soomaaliya ay gaartay guulo waaweyn oo wax badan ka badalay hanaanka dhaqaalaha.

Mudane Xamsa ayaa xusay in dowladdu kor u qaadday dakhliga gudaha, taas oo suurto galisay in Xukuumaddu qaadato shaqaale tiro badan oo kumeel gaara ah, isla markaana ay ka dhabaysay Xukuumaddu balanqaadkii ahaa in ay shaqaalaysiiso toban kun oo macallin oo hadda lix kun oo ka mid ah miisaaniyadda lagu daray oo ay hawlgaleen.

Related posts

Tiro Madaafiic ah oo saaka lagu weeraray Garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Siyaasi caan ah oo xoog looga musaafuriyay dalka Kenya

Cabdi Cade

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali