Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo dilay xubno katirsan Al Shabaab nololna ku qabtay kuwa kale

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada Danab iyo ciidamada maamulka Jubbaland, ayaa saakay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Danab iyo kuwa guutada Birjeex ee maamulka Jubbaland , ayaa sheegay in howlgalka saakay fuliyeen ciidamada huwanta ah lagu dilay 32-dagaalyahan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, sidoo kale lagu qabtay nolosha saddex dagaalyahan.

Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale la wareegay hub kala duwan oo ay wateen dagaalyahannada Al Shabaab ee la dilay iyo kuwa la qabtay, waxa ayna ciidamada sheegeen in kooxdaasi ka saareen goobo ay kaga sugnaayeen deegaannada howlgalka ka dhacay.

Ciidamada Danab iyo kuwa guutada Birjeex ee maamulka Jubbaland ayaa guulo waa weyn ka gaaray howlgallada ay ka wadaan deegaanno katirsan Jubbooyinka, waxa ayna ciidamada dileen xubno badan oo katirsanaa Al Sahbaab , iyaga oo sidoo kale ka furtay hubkii ay wateen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ankara maxaa ka socda? Maxayse tahay natiijada laga fili karo?

Caydiid Ali

AMISOM oo xoojineyso hal qodob ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

Caydiid Ali

Weerar dhinaca internetka ah oo lagu qaaday garoomada Maraykanka iyo koox lagu tuhmayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---