Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Madaale oo amar siiyay guddoomiyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa loogu hadlay sidii maamulada degmooyinka gobolka Banaadir iyo ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen horumarka caasimadda iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen talo ka geysashada maqaamka caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana intii uu shirka socday faray guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay labalabaan shaqada ay u hayaan bulshada ay hoggaamiyaan, kana shaqeeyaan dhinacyaad amniga , horumarinta iyo u adeegidda shacabka.

Degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood waxaa ka jira amni darro baahsan iyo sidoo kale nadaafad darro, mana muuqato isla xisaabtan dhab ah uu maamulka gobolka Banaadir ku sameeyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka oo u badan xubno la keensaday laguna ilaashanayo kuraasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Adis Ababa kana hadlay ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Saldhig Shabaab ku lahaayeen Hiiraan oo cagta la mariyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Eritreya oo go’aan cusub ka qaadatay ciidamada ka joogay gobolka Tigray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---