Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Ukraine oo 1,000 km gudaha u galay dalka Ruushka

Ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa guulo waa weyn ka sheegtay duullaan cusub oo ay ku qaadeen gobolka Kursk ee katirsan dalka Ruushka, waxa ayna ciidamada gudaha u galeen ilaa 1,000-km oo katirsan gobolkaasi Ruushka katirsan.

Gen. Oleksandr Syrskyi oo katirsan milatariga Ukraine ayaa sheegay in ciidankooda gudaha u galeenĀ  1,000 kilomitir oo isku wareegĀ  gobolka Kursk. waxa uuna xusay in ciidankooda wali kusii siqayaan dhul hor leh oo katirsan dalka Ruushka.

Warkan kasoo baxay sargaalkan katirsan milatariga Ukraine ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee si cad uga hadla howlgalka ka socda gobolka katirsan Ruushka, waxa ayna Ukraine guulo waa weyn ka gaareen duullaankan cusub ay ku qaadeen gudaha Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa ku fashilmay in ay jawaab cad ka nixiyaan duullaankan todobaadka qaatay ee ciidamada Ukraine ku galeen gobol katirsan Ruushka, waxaana milatariga Ruushka qorsheenayaan in ay dagaal xooggan kala hortagaan ciidankan soo galay gobiolka Kursk.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa Isniintii sheegay in weerarka ciidamada Ukraine soo qaadeen uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo qabtay Bajaaj lagu waday Maandooriye kala duwan (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy oo xalinaya Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade

Ka farxi CIIDA Aabe Soomaaliyed oo musiibo ku habsatay & qoyskiisa oo duruuf adag ku nool (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---