Allbanaadir.com
NEWS

Injineero la geeyay xaruntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha si ay u dhisaan (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhawaan la banneeyay.

Kormeerka wasiirka iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta Wasaaradda, kuwaa oo madaxda u sheegayay sida ugu macquulsan ee xaruntan loo dhisi karo iyo waqtiga ay qaadaneyso.

Wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay shacabkii xaruntaasi deganaa garowshiyaha ay ka muujiyeen in ay banneeyaan xarunta wasaaradda, kadib markii loo soo baahday xarunta in dib-u-dhis lagu sameeyo isla markaana ay ku shaqeyso wasaaradda.

Xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku bur burtay dagaalkii sukeeye ee dalka ayaa muddo ka badan 33-sanno waxaa deganaa dad shacab ah, kuwaa oo dhawaan dowladda si qasab ah uga saartay dadkii deganaa oo marar badan ka dhaga adeegay in ay ka baxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo war ka soo saaray qabashada Galcad iyo Xarardheere

Caydiid Ali

Xildhibaanadii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Guuleed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali