Wadaniyiinta Soomaaliyeed Waxey Xuquuq Siman Ku Wada Leeyihiin Tartanka Xaafiiska Madaxweynaha Soomaaliya
Qabashada xilka ugu sareeya dowladda Soomaaliya oo ah xaafiiska madaxweynaha dalka ayaa waxaa xaq u leh iney u tartamaan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo Soomaaliya ku dhashay abtirsi ahaan ama waaridkood ay yihiin Soomaali, waxaana xoriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta ka reeban in loo adeegsado xeelado siyaasadeed oo salka ku haya sabab kasta oo loogu kala saari karo dadka wadanka u dhashay waxyaabo la xiriira kala duwanaanshaha jinsigsa, da’da duqnimada, dhalashada xilaha ama xaasaska, heysashada jinsiyad wadan kale, mad-habta diinta la kala aaminsan yahay, qabiilka beelaha, darajada shaqada, iyo joogista dalka ama ku noolaashaha dibeda.
Waxaa inta badan shardi looga dhigaa wadaniyiinta u tartamaya xilkaas in qofka tartamaya ay da’diisu ka weyn tahay 35 sano, taas oo looga jeedo in lagu hubiyo da’ ahaan inuu qaadi karo masuuliyadaas culus oo ay xambarsan tahay xilheyntaas weyn oo heerka baahida awoodeedu ay sareyso, dadaas oo cabireysa baahida miisaan ahaan dheelitiran oo da’da musharaxa caqligiisu ku dhameystiran yahay, waxaana arrintaas wehlisa in dhalashadiisu ay tahay Soomaali, iyadoon loo eegeyn inuu gudaha dalka ku dhashay ama dalka dibediisa ku dhashay, ama uu leeyahay jinsiyad labaad, waxaana sidoo kale intaas soo raaci kara inuu dalka gudahiisa sanooyinkiisa dambe u degen yahay oo uu meel ka mida dalka guri uu degen yahay ku leeyahay.
Dadka muwaadiniinta ah ee u tartamaya xilka madaxweynaha waxaan qasab ku ahayn inuu xisbi siyaasadeed musharax u yahay, kaas oo uu xambaarsan yahay afkaar siyaasadeed oo ay wadar wadaag ku yihiin dadweyne ay aragtida siyaasadeed ku wada mideysan yihiin, wuxuuna musharax kasta u tartami karaa xilkaas isagoo ka madaxbanaan ka mid noqoshada xisbiyada xambaarsan aragtiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana sidoo kale aan looga baahneyn inuu leeyahay qibrad siyaasadeed, mid sharci, iyo waayoaragnimo uu uga soo shaqeeyey adeegyo dadweyne, kuwaas oo dhamaatood haddii uu leeyahay xoojinaya fursadahiisa tartanka, balse aan qasab ku ahayn inuu leeyahay.
Ka mid noqoshada xisbiyada waxey fursad taageero aad u weyn siinayaan musharixiinta oo dadka aaminsan aragtiyadooda ay ka helayaan lacago fara badan oo ay ku galaan tartan miro-dhala, balse qofka doonaya si ka madaxbanaan xisbiyada waxaa looga baahan yahay inuu keeno tiro xadidan oo uu ka heysto saxiixayaal dadweyne oo ka wada kooban dhamaan shacabka ku kala nool maamul goboleedyada dalka, taas oo cadeyn u noqoneysa si uu u noqdo musharax rasmiya oo u soo gudba tartanka heerkiisa qaran, waxeyna tilaabadaas ay ka turjumeysaa in shacabka iyo tartameyaasha labadoodaba la siiyo fursado midba midka kale ugu ogolaanayo iney ku wada helaan doorasho ay shacabku ku kala doortaan tartameyaal aragtidoodu kala duwan tahay oo qoysaska ay ka soo kala jeedaan ay kala duwan yihiin, sidaas si la midana ay tartameyaashu helaan xaqooda u ogolaanaysa iney fursad u helaan helista codeynta dadweynaha oo ay si xora codadkooda u weydiistaan.
Waxaa Caado Soomaaliya u ah in dastuurka dalka u degsan ay madaxda xukunka joogtaa ay meelmarinta damacooda ku saleeyaan, iyagoo doonaya iney xeelado daahsoon u adeegsadaan sidii ay qiil uga dhex heli lahayeen qodobada dastuurka oo ay u cuskadaan sidii ay meesha uga saari lahayeen dadka la tartamaya oo ay rabaan iney ku reebaan shuruudo ay xeelad ahaan horay u soo dhexgeliyeen qodobada dastuurka, kuwaas oo danahooda siyaasadeed u adeegaya, waxeyna ay xeeladahaas ku kasbanayaan iney xilka ku sii haystaan mudo dheer oo aan xadidnayn, waxeyna taas bedelkeeda ay markasta ka gaabsanayaan meelmarinta in dastuurka lagu qoro inta jeer ee uu madaxweynaha xilka hayn karo oo caalamka intiisa badan ka ah laba jeer oo keliya, iyagoo taas meelmarinteeda u cuskadaan iney golaha shacabka iyagana taas bedelkeeda ay u ogolaadaan iney xildhibaanadu sidoo kale aan loo xadadidin inta jeer oo ay doorasho dib u soo geli karaan.
Soomaaliya waxaa shacabkeeda in badan oo ka mida dalka ka ceyriyey dagaalo sokeeye oo beelaha dhexdooda si joogto ah uga dhex qarxa, kuwaas oo kalifay in duruufaha dalka ka jira awgeed in dad badan oo wadaniyiina ay ku keentay iney wadanka dibediisa ku noolaadaan oo ay degaan, iyagoo dalka uga tegey dowladxumida, amnixumada, shaqo la’aanta, dhaqaalexumada, iyo barakicinta ay dadka ku hayso xukuumadda iyo xoogga hubeysan oo iska soo horjeeda, sidaas daradeedna dadkaas dalkooda ka qaxay ku dhalisay iney wadamo kale ka helaan jinsiyado labaad, iyagoo heysta midoodii dhalashada wadankooda, sidaas daradeedna aysan sinaba aysan suutogal ku ahayn malaayiin Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa in xuquuqdooda iyo xoriyadahooda lagu doodsiiyo ama lagu gacan bidixeeyo xaysashada dhalashada wadamada deriska oo ay degen yihiin dhulalka Soomaaliyeed oo uu gumeystuhu gacanta u geliyey wadamadaas, ama kuwa ka fog oo ay qurbojoogtu ka heystaan hanti ay dalalkaas ka sshaqeysteen oo ay dalkooda hooyo ugu sameeyaan maalgelin iyo taakuleyn dhaqaale oo ay u soo diraan eheladooda dalka gudahiisa ku tabaaleysan.
Tartanka loogu jiro qabashada xilka xaafiiska madaxweynaha Soomaaliya waa inuusan noqon mid madaxda xilka joogtaa ay u sameystaan shuruudo ay mudo xileedkooda ku dheereystaan oo ay xeelad ahaan u adeegsadaan xanibaadyo ay shuruud ahaan u soo geliyeen tixraacida qodobada dastuurka, xanibaadahaas oo ay ku hirgeliyaan niyadjebinta ay kula kacayaan iney ku bartilmaameyd sadaan kuwa ay cabsida ka qabaan oo xilalkooda kula tartamaya, waxeyna meelmarinta ay ku qaadayaan tilaabooyinkaas ay cilad uga dhigaan ku xiritaanka shuruudo ay ka mid yihiin, dhaqaale xooggan oo ay ku soo rogaan ka qeybgalka tartanka, aqoonyahanka ku nool dibeda oo jinsiyadahooda labaad ama degenaanshahooda dibeda cilad looga dhigo ka reebida tartanka, iyo curinta xisbiyo kooban oo dhamaantood ay wada maalgeliyaan madaxda dowladda, kuwaas oo run ahaatii dhamaantood laga wada hagayo hal meel oo keliya, kuna soo wada biyo shubta halka xisbi oo ah midkey ku soo wada dhamaanayaan oo ah xisbiga ay leeyihiin madaxda talada heysa, waxeyna marka ay sidaasu dhacdo ay meesha ka saareysa tartanka loogu jiro iney qabsoonto doorasho xaqa oo xalaala oo ay ku soo kala baxaan xisbiyo si dhab aha u kala fikrado duwan oo la tartama xisbiga takada haya.
Dastuurku waa inuu muwaadiniinta u ogolaado xuquuq wada siman oo ay si xora oo xaqa ay ugu wada leeyihiin adeegyada siyaasadda, kuwa bulshada, iyo kuwa dhaqaalaha, waxaana haboon in si taxadar leh looga fiirsado xeeladaha lagu xanibayo xoriyadaha iyo xuquuqaha ay dadku sida siman ugu wada leeyihiin dastuurka dalka u degsan, kaas oo aan shacabka Soomaaliyeed u kala saareyn daljoog iyo dibedjoog, mid leh hal dhalasho iyo mid leh laba dhalasho, hantiile iyo xoogsade, wadaad iyo weriye, nin iyo naag, xilhaye iyo xil-laawe, xasaanadle iyo xasaanadlaawe.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com