Madaxa sirdoonka ee Australia ayaa Axadii ku eedeeyay qaar ka mid ah wadamada ay saxiibka dhow yihiin in ay wadaan hawlgalo faragalin shisheeye ah oo ay ku hayaan dalkiisa, isaga oo sheegay in haddii macluumaadka iyo aqoonsigooda la soo bandhigo, inay shacabku aad ula yaabi lahaayeen.
Australia ayaa sanadkii hore shaacisay in Iran ay ku lug leedahay faragelin shisheeye oo dalkeeda ah, iyada oo intaa ku dartay in sirdoonka Australia ay dhexda u galeen “shakhsiyaad” hawlgallo basaasnio ah ku waday qaar ka mida guryaha ay degan yihiin dadka Iraaniyiin ah ee u dhashay dalkaas.
Hase ahaatee waxaa jira dalal kale oo iyaguna isku daya inay farogelin ku sameeyaan, nidaamka siyaasadeed ee Australia ama jaaliyada dalkaas ku nool, sida uu sheegay Mike Burgess oo ah agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo amniga ee Australia ee loosoo gaabiyo (ASIO).
Wuxuu sheegay inay haatan ogaadeen saddex illaa afar dal oo ku hawlan farogelinta jaaliyadaha reer Australia, ayuu raaciyey Burgess xilli uu waraysi siinayey warbaahinta ABC.
“Qaar iyaga ka mid ah, haddii aad ogaato waad la yaabi doontaa. qaarkood waa dalalka aan asxaabta nahay” ayuu yidhi.
Burgess ayaa ka gaabsaday inuu sii faahfaahiyo cidda uu u jeedo iyo dalalka ku lugta leh, balse wuxuu si furan farta ugu fiiqay in Iran ay ka mid tahay dalalka hawlgallada ka fuliya gudaha dalkiisa.
Wuxuu sheegay, in farogelinta shisheeye, basaasnimada iyo rabshadaha ku dhisan arrimaha siyaasiga ahi inay ka mid yihiin, walaacyada ugu waaweyn ee ay dawladdiisu qabto