Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan iyo Erdogan oo Wadahadal muhiim ah yeeshay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ay ku baxayso 98 Milyan oo Euro (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Sabriye iyo Sheekh Shaakir oo la kulmay Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Soomaali kunool dalka Canada oo la tarxiilayo iyo Sababta ka dambeesa oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---