Allbanaadir.com
NEWS

Abiy oo Erdogan u sheegay in laga maarmaan tahay in ay helaan Bad

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recip Tayyib Erdowan ayaa yeeshay wadahadal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya iyo kan gobolka.

Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne  Erdowan dadaalka uu u galay xallinta khilaafaadka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, oo muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay khilaaf ka dhashay heshiis Itoobiya la gashay Somaliland.

Waxa uu sheegay Abiy Axmed  muhiimad weyn ay leedahay dalkiisa in uu helo marin badeed ay heshiis ku yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya , si ay uga faa’iideestaan dalkiisa ay kunool yihiin dad gaaraya 120 milyan oo qof oon heesan marin badeed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Madaxweyne Erdogan ee fududeynta xallinta isfaham waaga ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya. Wuxuu ku nuux-nuux saday in diirada la saaro sidii ay u heli lahaayeen bad ay adeegsadaan iyada oo heshiisv lagu yahay.

Wadahadalka dhaxmaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Madxaweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli beri oo Isniin ah lagu wado in dalka Turkiga ka furmo wadahadal u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlaya khilaafka labada dal u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Ing. Yariisow oo Wareegto kale ku joojiyey dhisme ka socday dhul dan guud ah

Caydiid Ali

Walaac hor leh oo soo wajahay Doorashada Soomaaliya iyo Mooshin ka dhan ah Qoor Qoor oo…

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil saakay loo geestay Sargaal katirsanaa …

Cabdi Cade