Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo lagula taliyay in Wadahadalka Itoobiya labo arrin ku adkeesato

Dalka Turkiga waxaa la filayaa in uu ka furmo wadahadallo u dhaxeeya wafuud kala mataleysa  dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay in xilligan lala kulmo wadahadalna lala furo dowladda Itoobiya uu ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Soomaaliya , waxa uuna xusay haddii ayba dhacdo in lala hadlo muhiim tahay in laga digtoonaado taakitada ay isticmaasho dowladdaasi.

”Itoobiya iyadaa ku dhiiratay in ay ku xadgudubto madaxbanaannida Soomaaliya. Sidaa daraadeed ma haboonayn in miiska wadahadalka lala fariisto inta ay ka noqonayso xadgudubka, waase dhacdaa in mararka qaarkood ay kula soo gudboonaato huriwayto iyo ku qabatay, laakiin waa in Soomaaliya ka digtoonaato taaktiikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta (Strategic Ambiguity) iyo farsamada dhagarta (deception tactics)” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasigan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wafdiga wadahadalka ku matalaya in ay ku adkeestaan labo arrin oo looga adkaan karo Itoobiya, kuwaa oo kala ah in marka hore Itoobiya ka laabato hesghiiskii ay Somaliland la gashay iyo in ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah.

”Sidaa daraadeed waa in dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa; 1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya. 2 In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaana ugu baaqay dawlada Soomaaliya in aysan soo qaadin wax mugdi ku jiro oo fasiraad kala duwan yeelan kara, waxa uuna xusay in aan la aqbali karin wax kasta ama cid kasta oo isku dayda in ay inoo hoosaasiso ama loogto.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli wadahadalada la filayo in dalka Turkiga uga furmo Soomaaliya iyo Itoobiya diirada lagu saarayo sidii xal u gaari lahaayeen labada dal ayna toobiya u heli laheyd bad , si ay uga laabato heshiiskii ay Somaliland la gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah Gudoomiye Jawaari oo goordhaw Shir Jaraa’id qabtay kana hadlay….

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baledweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Rasaas xooggan oo laga maqlayo agagaarka xarunta Madaxtooyada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---