Allbanaadir.com
NEWS

Dab xooggan oo goordhaw ka kacay suuqa Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw suuqa magaaladaasi uu ka kacay dab xooggan, kaas oo laga cabsi qabo in uu kusii fido qeybo badan oo suuqa kamid ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dabka ka bilowday goob ganacsi oo kutaalla Suuqa, waxa uuna hadda kusii fidayaa qeybo kale oo suuqaasi kamid ah, waxaana socda dedaalo ay dadka shacabka ah wadaan kuna doonayaan in dabka lagu damiyo.

Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale gaaray suuqa dabku ka kacay, waxa ayna ciidamada xaqiijinayaan amniga suuqa, waxa ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan dedaalada lagu doonayo in daka lagu damiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowladda Somalia oo guddoontay deeq Caafimaad oo loogu talo galay COVID-19

Caydiid Ali

Kooxo burcad ah oo madax furasho u haysta adeegyada isgaarsiinta dawlad weyn !

Cabdi Cade

Deni, Madoobe iyo beesha caalamka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---