Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee maamulka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu soo saaray ugu baaqay beesha caalamka inay xushmeeyaan madaxbannaanida iyo jiritaanka Somaliland.
Feysal Waraabe ayaa xusay in dhammaystirka heshiiskii isfaham ee dhex maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gabogabo ah, waxa uuna sheegay in uu ka xun yahay in beesha caalamka faraglin ku sameyso hirglinta heshiiskaasi.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa caddeeyay in maamulka Somaliland aanay weligeed qayb ka noqon Soomaaliya, hase ahaatee Somaliland midow qayrul dastuuriya la gashay Soomaaliya sannadkii 1960kii.
Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray in midowgii fashilmay uu dhammaaday sannadkii 1991kii, kadib toban sanno ah oo Somaliland ay dagaal dhiig ku daatay la gashay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuuna xusay in tan iyo muddadaas ay Somaliland ahayd qaran madaxbannaan oo dimuqraadi ah.
Geesta kalena, Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Itoobiya ay mar walba qadariso madaxbannaanida Soomaaliya, waxaanu bayaamiyay in tan iyo 2006-dii Itoobiya dowladda Soomaaliya ka saacidaysay sidii nabad looga dhallin lahaa oo ay geysay ciidammo, taasina ay sababtay in Itoobiya ku wayday Soomaaliya dad badan.
Hadalkan kasoo yeeray Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadaya xilli dalka Turkiga wadahadal wajigii labaad ah uga furmayo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay heshiiskii Abiy la galay maamulka Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com