Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam .
Dibad baxayaasha ayaa socod ku maray inta badan xaafadaha magaalada Garbahaarey , waxa ayna ku dhawaaqeen ereyo ay uga soo horjeedeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Sida aan Wararka ku helnay Dibad baxan waxaa soo abaabulay ururada bulshada iyo dadweynaha kunool magaalada Garbahaarey kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda siyaasada Madaxweynaha Jubbaland.
Dibad baxan ayaa imaanaya xili la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qorsheenayo in dhawaan booqasho ku tago magaalada Garbahaarey si uu ula kulmo maamulka iyo bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com