Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne si aad xaqiiqda usoo ogaato sababahan bal soo baar !

Mudane Madaxweyne, waa dhab iyo xaqiiqo qaraar in ay shiid iyo busaarad ba’an dalka ka jiraan. Si aad xaqiiqada shiidka uga salgaarto, fadlan baar sababaha ay u hakadeen mashaariic badan oo ka socotay Wasaaradaha Dowladda, oo ay ku tiirsanaayeen dhallinyaro badan oo maanta shiid iyo baagamuuddo ah.

Mudane Madaxweyne, si aad xaqiiqada shiidka uga salgaarto, fadlan baar sababaha ay u xirmeen ganacsiyo badan oo ka shaqeynayay Muqdisho oo ay tusaale nool u yihiin ganacsiyo ku teedsanaa jidka Maka Al-Mukarrama, oo xirmay ka dib markii ay waayeen macaamiil wax ka iibsata, ayna sidaas shiid iyo baagamuuddo ku noqdeen dhallinyaro badan oo ku tiirsanaa dakhliga ganacsiyadaas ka soo gala.

Mudane Madaxweyne, si aad xaqiiqada shiidka uga salgaarto, fadlan baar sababaha ay dalka uga sii yaacayaan ganacsato badan oo lacagahoodii kala baxay dalka, kuna maalgashanaya dalalka deriska ah, ka dib markii ay xamili waayeen canshuuraha xad-dhaafka ah ee loola fadhiyo dekadda iyo suuqyada Muqdisho.

Mudane Madaxweyne, si aad xaqiiqada shiidka uga salgaarto, fadlan baar sababaha ay Kenya iyo Masar ugu sii qulqulayaan qoysaska ladan ee leh awood dhaqaale oo ay wax ku iibsan karaan, ayna tusaale nool u yihiin qosaska shaqaalaha dowladda, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay dukaameysigii suuqyada caasimadda.

Mudane Madaxweyne, si aad xaqiiqada shiidka uga salgaarto, fadlan baar sababta ka dambeysa dhaqanka ku sii dhex baahaya dowladda ee ah in markii mushaarku u soo dhaco xildhibaannada, wasiirrada, agaasimayaasha, iyo shaqaaaha kale ee dowladda ay ku soo gubaan Nairobi, sidaasna ay bil kasta dalka uga baxdo lacag malaayiin doollar ah oo ku dhex wareegi jirtay suuqyada, taas oo canshuur ahaan looga qaaday shacabka, mushaar ahaanna loo siiyay shaqaalaha dowladda.

Mudane Madaxweyne, fallaar gilgilasho kaagama harto. Adiga ayaa dalkan laguu doortay oo ay masuuliyad kaa saaran tahay in ay wax ka beddesho nolosha dadka iyo xaaladda dalka, waaqica qaraar iyo xaqiiqada na hortaallana kuma dafiri kartid hadal aad minbarka masjidka ka soo tuurto ee waxay kaa dalbanaysaa in aad si dhab ah ula falgasho caqabadaha iyo duruufaha haysta dadka aad Madaxweynaha u tahay, magaca Allena ugu dhaaratay in aad si hufan ugu adeegayso.

Mudane Madaxweyne, aan ku xusuusiyo ballanqaadkii aad dhallinyarada Soomaaliyeed u sameysay seddax maalin ka dib markii aad xilka la wareegtay (May 27, 2022) oo aad Madaxtooyada kulan kula yeelatay koox dhallinyaro ah, ka dibna aad iyagoo garbahaaga taagan ku dhawaaqday Hindisaha Shaqo-abuurka Dhallinyarada Qaranka iyo Hindisaha Horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Khudbaddii aad maalinkaas jeedisay ee lagu faafiyay bogga Villa Somalia iyo Warbaahinta waxaad uga hadashay sida aad uga gubanayso dhallinyarada Soomaaliyeed ee baagamuuddada ah, waxaadna ballanqaadday in ay dowladdaadu mudnaan gaar ah siin doonto in ay dhallinyarada u abuurto fursado shaqo, taageerto hal-abuurka ganacsi ee dhallinyarada, kordhiso shaqaalaha dowladda, kor u qaaddo dakhliga qoys kasta, ayna kobciso xirfadaha iyo karaanka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne, labo sano ka dib waxba kama suuragelin ballanqaadii aad u sameysay dhallinyarada, haddana saansaanteed sooma muuqato. Maanta markii ay dhallinyaradu cabireen dareenkooda, oo ay hadalhayaan shiidka iyo baagamuuddada baahsan ee dalka ka jira, kaama mudna in aad shaxaad iyo argagaxiso ku tiimbareyso ee waxaa kula gudbooneyd in aad raalligelin siiso dhallinyarada, kana qanciso sababta ballanqaadkaagii loogu hungoobay.

Mudane Madaxweyne, dhallinyaradu ma wada helin fursadda aad siisay gabadhaada aad lataliyaha ka dhigatay iyo igaarkaaga aad gaashaanlaha ka dhigtay, ee in ay shiid iyo shaqala’aan ba’an yihiin oo ay ballanqaadkaagiina ku hungoobeen ha ugu darin gef, digasho, iyo dacaayad aysan kaa mudneyn.

W/Q Xuseen Sabriye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdigii uu horkacayey Madaxweyne Farmaajo oo gaaray degmada Caabudwaaq

Caydiid Ali

Markabka M.V. Martin One oo kusoo xirtay Dekadda Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay labo Diyaaradood oo helicopter ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---