Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo Shaaciyay in Itoobiya ka codsan doonto Soomaaliya Bad si ay…

Waxaa lagu wadaa todobaadka soo socda in dalka Turkiga ka furmo wajiga labaad wadahadalo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, waxaana wadahadalkan Turkiga garwadeynka ka yahay xal loogu raadinayaa khilaafka labada dal ka dhaxeeya.

Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel xun gaaray kaddib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed uu heshiis dhinaca badda ah la galay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, dowladda Soomaaliya ayaana heshiiskaasi si weyn uga hortimid kuna tilmaantay mid sharcidarro ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan, ayaa isbuucii hore tagay dalka Itoobiya, waxa uuna la kulmay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya uu kala hadlay xalka khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo sida ugu macquulsan ee loo soo afjari karo.

Shir jaraa’id uu qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan ayuu ku shaaciyey in dowladda Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked, taa uu aamisan yahay in xal u noqon karto khilaafka labada dal u dhaxeeya.

Waxa uu wasiir Hakan Fidan sheegay haddii dowladda Soomaaliya ay siiso Itoobiya bad in xukuumadda Adis Ababa dhankeeda ay aqoonsan doonto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Itoobiya ay ka laabaneyso heshiiskii MOU-ga ee la gashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaana la ogeyn sida ay Itoobiya ugu ogolaan doonto bad, si meesha looga saaro hesgiiskii horey ula galeen Somaliland, waxa ayna dowladda Turkiga dooneysaa in xal laga gaaro khilaafka labada dal xilligan u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 40 oo ku dhintay Mashaqo argagax leh oo ka dhacday Balochistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo garoonkeeda ka celisay Diyaarad ay la socdeen Dhalinyaro laga soo celiyay Liibiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---