Allbanaadir.com
NEWS

Boqor Charles oo ka hadlay rabshadaha Isir naceybka ee UK ka dhacay

Boqor Charles-ka boqortooyada Ingiriiska ayaa Jimcihi ku baaqay is ixtiraam iyo isfaham, ka dib rabshado isir nacayb ah oo lala beegsaday Muslimiinta iyo muhaajiriinta ku nool Britain todobaadki hore.

Tani ayaa ah faragelinti u horreeyay ee uu boqorka ku sameeyo arrintan, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Qasriga Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham.

Afhayeenka ayaa sheegay, in Boqorka uu uga mahad celiyay booliska iyo kooxaha gurmadka degdega ah dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadda iyo kala danbeynta, wuxuu kaloo soo dhaweeyay buu yiri sida ay kooxaha bulshadu uga hortageen “gardarrada iyo dambiyada ka imaanaya koox uu uu ku sheegay in ay fara ku tiris yihiin”.

Kumannaan ka mid ah ciidamada gaarka ah ayaa heegan la geliyay maanta oo Sabti ah iyo Axadda berri, si ay uga hortagaan rabshado ay suuragal tahay in ay mar kale dhacaan.

Rabshadaha Britian ayaa qarxay, kaddib marki war been abuur ahaa lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo ay kooxaha mintidka ah ee midigta fog ku sheegeen in nin Muslim magan-galyo doon ah uu ka danbeeyay dil 29-ki bishi hore ee July magaalada Soutjport loogu gestay saddex gabdhood oo caddaan ahaa.

Dowladda ra’siulwasaare Starmer ayaa wacad ku martay in ay gacan bir ah kala hortagi doono kooxaha ka danbeeyay weerar loo geystay xarumaha dadka muhaajiriinta iyo qaar ka mid ah masaajidada Muslimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo heshay Diyaarad ciidamada ka caawineysa Dagaalka Daacish (Sawirro)

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise: “In maanta Jufo ay xoog ku raadiso xil ummadeed waa nasiib daro”

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo Shaaciyay cidii fududeesay Weerarkii Xabsiga Dhaxe iyo Ujeedka laga lahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---