Dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay shiid iyo shaqo la’aan baahsan oo magaalada ka jirta, waxa ayna dhallinyarada ku eedeeyeen dowladda dhaqaalihii dalka ay jeebka ku shubteen dad gaar ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay masjid kuyaalla Madaxtooyada Soomaaliya ayuu kaga falceliyay cabashada dhallinyarada Muqdisho ee ku aadan shiidka iyo shaqo la’aan, waxa uuna Madaxweynaha sheegay hadal niyadjabiyay dhallinyarada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay kuwa lacag la’aanta ka cabanaya ay yihiin kuwii lacagaha u aruurin jiray kooxda Al Shabaab iyo kuwa kale uu sheegay in lacago lagu siin jiray in baraha bulshada ka caayaan dadka masuuliyiinta ah.
“Kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu kobcay, waxa uu sidoo kale tilmaamay in magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka ku yaalla horumaro badan ku tallaabsaday lagana dhisayo dhisamayaal waa weyn .
“Kuwiina shiidka ka cabanaya ma arkaan miyaa hormarkaas, aada halkaas ayuu dhaqaalihii idinka jiraa, inkama jiro wado qaldan, dadkeenu ma gaarin sidii aan rabnay, laakiin waxaa jira hormar weyn iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli ay jirto shaqo la;aan iyo dhaqaalo yari ay dadka ka cabanayaan, waxa ayna shacavka sheegeen in tan iyo markii uu talada dalka la wareegay dalka laga dareemay dhaqaalo la’aan baahsan , taa nolosha ku adkeesay dad u badan dhallinyaro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com